The Home Of All Somalian Community

Best site that you can get latest Somalian and indian movies and music and free html codes
 
HomePortalCalendarFAQSearchRegisterMemberlistUsergroupsLog in

Share | 
 

 9-jir indhayar oo jaamacad dhigta

View previous topic View next topic Go down 
AuthorMessage
Admin
Admin
Admin
avatar

Male Number of posts : 9
Age : 31
Location : Cairo,egypT
Registration date : 2007-12-29

PostSubject: 9-jir indhayar oo jaamacad dhigta   Sun Jan 06, 2008 5:26 am



Waxaan shaki ku jirin in Adduunka ay ku nool yihiin Carruur garaadkooda si weyn ay dadku ula yaabaan oo uu ka mid yahay wiilkani yar ee 9-sano jirka ah ee ka yaabiyay Maamulka Jaamacadda weyn ee Baptist University (HKBU) ee magaallada Hong Kong ee dalka China, sida ay faafisay wakaaladda wararka China ee Xinhua.

Ardaygan yar oo lagu magacaabo March Boedihardjo ayaa waxa uu si caqliga ka weyn ugu wanaagsan yahay Maadada Xisaabta, taasoo ku biirinaysa dadka loogu yeero (Prodigy or Genius) oo ah dad maskaxdoodu ka duwan tahay midda dadka caadiga ah, waxaana ku soo daridiisii Jaamacadda ay buuq badan ka dhex abuurtay Maamulka Jaamacadda oo markii dambe dambe u ogolaaday in uu ku soo biro Jaamacadda.

“Go'aankani wuxuu yimid kaddib laba Bilood oo wada hadallo ah oo u dhexeeyay Maamulka Jaamacadda iyo waalidiinta March” sidaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Jaamacadda HKBU Professor Franklin Luk oo xusay in ay taasi tahay guul u soo hoyatay March iyo qoyskiisa oo wixii waqtigaas ka dambeeyayna wiilkani yar uu soo jiitay indhaha Saxaafadda.

March ayaa Bishan ku biiray Jaamacaddiisa cusub iyo arday ka weyn isaga 10-sano, waxaana uu guda galay inuu bilaabo Nolol Jaamacadeed, waxaana Jaamacaddu ay u diyaarisay March haddii uu dhammeysto 5-sano ay guddoonsiin doonto Shahaadada Bachelor of Science in Mathematical Science iyo Master of Philosophy ee dhinaca Xisaabta.

Wiilkan yar ee mucjisada ah ayaa waxa uu ku soo baxay Level-ka A- ee Imtixaanaadka UK, halka sidoo kalena A. uu ka helay dhinaca Xisaabta,

Prof. Luk oo ka hadlayay wiilkani yar waxa uu intaa ku daray “Marka loo fiiriyo da'diisa oo aad u yar March haddana waxa uu si wanaagsan uga soo muuqday natiijooyinkii Imtixaanaadka iyo wareysiyadii aan la yeelanay, sidaa awgeed Jaamacaddu waxay garwaaqsatay in uu ku haboon yahay awoodi karana in uu ku biiro Jaamacadda”.

Tony Boedihardjo oo ah March Aabihii waxa uu yiri “waxaan horey u buuxinnay Codsiyo Jaamacado kale oo ku yaalla gudaha China, sida Hong Kong University of Science and Technology, Chinese University of Hong Kong kuwaasoo aanan wax jawaab ah ka helin”.

Wiilkan yar ee Garaadka Maskaxdiisu (Intelligence Quotient / IQ) uu aadka u sarreeyo oo weji faraxsan ku qaabilay saxaafadda isla markaana ku ciyaaraha Microphone-ka mar uu wareysi bixinayay ayaa waxa uu soo jiitay indhaha sawir qaadeyaasha, waxaana mar ay wax ka weydiiyeen qaabka uu ula qabsanayo nolosha cusub ee heerka Jaamacadeed waxa uu ku jawaabay “Weligeey kama walwalin sidii aan ula macaamili lahaa arday aan isku fasal nahay kuwaas oo da' ahaan iga weyn”, waxaana uu intaa ku daray “Intii aan wax ka baranayay Oxford dhammaan ardaydii aan isku fasalka ahayn waxay ahaayeen kuwo ka sarreeya 18-sano, waxaana mar walba isla falanqeyn jirnay Xisaabta, mana u malaynayo in aan dhibaato ku qabo sidii aan ula xiriiri lahaa arday aniga iga weyn” ayuu yiri 9-sano jirkan laba sano oo Shahaado Dugsi sare ah ku soo dhammeystay waddanka Ingiriiska.

Professor-ka qaabilsan qaybta Xisaabta ee Jaamacadda HKBU Tong Chong-Sze oo ka hadlayay March waxa uu yiri “Waxaan Proff. Gooni ah u saari doonnaa wiilkani si ay u sii hor mariyaan aqoontiisa dhinaca Xisaabta, isagoo isla markaana wax la baran doona wiilasha kale ee ay isku fasalka yihiin, muddo 5-sano gudaheed ahna waxa uu ku baran doonaa maadooyinka kale sida xuquuqda Aadanaha, Luqadaha, Computer-ka, physical Education iyo Falsafadda”, waxaa kale oo uu Professor-ku xusay in ay ku dhiirri gelinayaan March in uu wax ka barto Cilmiga Bulshada & Dhaqammada dadyowga kale.
Back to top Go down
View user profile http://mrkoyla.realbb.net
mrkoyla
Webmaster
Webmaster
avatar

Male Number of posts : 13
Age : 28
Registration date : 2007-12-29

PostSubject: 9-jir indhayar oo jaamacad dhigta reply   Sun Jan 06, 2008 10:53 am

what a amazing kid ,thanks ya Admin,waiting more king






Back to top Go down
View user profile
 
9-jir indhayar oo jaamacad dhigta
View previous topic View next topic Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
The Home Of All Somalian Community :: Somalian World :: qolka Mucjisooyinka-
Jump to: